Hooyo ka Hadashay Wiil yar Oo Ay Dhashay Oo laga Qafaashay Somaliland

Hargeysa(RH):-Hooyo Caasha Maxamuud Dugsiiye, oo ah Hooyo danyara oo ku nool Somaliland, gaar ahaan xarunta gobolka Awdal ee Borama, ayaa si dareen leh uga hadashay dhibaato soo food saartay kadib markii wiil yar oo 11 jir ah oon isagu is maamuli karin laga qafaashay loona gudbiyay Liibiya.

 

Wiilka yar ee Hoyadani dhashay oo ah agoon aan aabbo lahayn ayay arxanlawayaal Magafayaasha la shaqeysta qafaasheen, una gacan galiyeen Magafayaal ku sugan Liibiya oo ay wada shaqeystaan.

 

Arrintaas oo Hooyadan ku noqotay dhibaato aanay cid iyo ciirsi toona u haysan ayaa ku kaliftay in ay bac qaadato oo dadka wax weydiisato, balse taasi may  noqon wax dhibaatada wiilkeeda haysta wax ka tari karta.

 

Hooyadan oo ilmaynaysa ayaa bulshada reer Somaliland u soo bandhigtay dhibaatada haysatana ka dalbatay in ay caawiyaan.

 

Hooyo C“Waaniga maqlayaa wiilka ooyaya, ee aan anniguna la ooyayo, Ridwaan Idiris Xuseen Bahdoon, waa agoon waa 11-sano jir, ILLAAHEY ayuu leeyahay, bulshada Muslimiintay i caawiya, ILLAAHEY ii soo barya in uu iga saaro dhibta wiilkayga ku haysta Liibiya.

 

Hooyo dhibaataysan ayaan ahay, ahna muwaadinad Somalilander ah, degana magaalada Borama, wiil yar ayaa la iga kaxaystay oo aan rayigiisa ku socon, waa 11-jir, wiilashii ay is raaceen reerahooda ayaa lacag lahaa oo sidaasi ayay kaga baxeen gacanta Magafaha, wiilka yari waa agoon, wax allaale iyo wax aan u qaban karaa ma jirto, saddexda wakhti ee bini’aamku karsado wakhti ayaanu karsan jirnay, dhuxul yar ayaan kaaryoone ku rogaa isla markaana aan xaafadaha geeyaa, waxaasi ayaan reerkayga ku masruufayay, ka maqan iyo kuwa joogaba.

 

Imikase meel qadhaadh ayay maraysaa, ilmihii yaraa habbeen iyo maalin ayuu ooyayaa, ma garan karo xaajadiisa oo mid culus ayuu ku jiraa, oo ILLAAHEY iyo umadda muslimiinta ahi ay uga gurman karaan, mar shan iyo toban kun oo dollar ayay leeyihiin, mar sideed iyo toban kun oo dollar ayay leeyihiin, kol sagaalkun ayay leeyihiin, anigu waxba war kama hayo, indha madoobaad ayaa igu dhacay, dhibaato adduun ayaa igu dhacday, bac ayaan qaatay oo suuqa Hargeysa ayaan maray, shan shan boqol oo shilinka Somaliland ah ayaa la iigu riday, dadku waxaa ay igu yidhaahan tan lacagta urursanaysa ma balwad ayay leedahay?”

 

Hooyadan dhibaataysan oo hadalkeeda sii wada waxaa ay intaas ku dartay kana codsatay dadka Muslimiinta ah in ay gacan ka geystaan kana taakuleeyaan furdaaminta wiilkeeda la qafaashay ee Magafuhu Liibiya ku haysto. “Walaalahayga Muslinka ahow kii wax ii qaban karow ii  qabo, ilmahaygii wuu dhibaataysan yahay, xag aan u cararo ma leh, adeer ma leh, ehel ma leh, umadda Muslimiinta iyo bulshada Somaliland ayuu leeyahay.”

 

Hooyadani waxaa ay si gaara fariin ugu dirtay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanay tidhi. “Madaxweynaha Somaliland ayaan u dirsanaya baaq si uu ii kaalmeeyo, ILLAAAHEYba deeqda haye, madaxweyne ILLAAHEY dartii ii kaalme oo Magafaha wiilkaygii qolka ku xidhay iga hiili.

 

Markii la igu yidhi wiilkaagii wuu Tahriibay saddex habeen iyo saddex maalmood meel aan joogo maan garanayn,”

Category