ICG: Dr. Abiy Ahmed laba ujeedo ayuu ka leeyahay heshiis dhex dhigo DF iyo Somaliland

RH: Ururka Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG (International Crisis Group) ayaa warbixin uu soo saaray uga hadlay wada-hadallada DF iyo xukuumada Somaliland iyo ujeedada uu ka leeyahay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Ahmed oo xaga dambe ka riixaya.

Abiy ayaa bishii February waxa uu xafiiskiisa ku kulan siiyey  Farmaajo iyo Muuse Biixi, wuxuuna kadib ka shaqeeyey wada-hadalladii bishii June ka dhacay Jabuuti ee labada dhinac, oo ay sidoo kale ku lugta kula jireen Mareykanka iyo Midowga Yurub.

ICG ayaa sheegtay in Dr.Abiy Ahmed uu leeyahay laba ujeedo oo mid ay tahay gudaha dalkiisa midna ay  tahay danta uu ka leeyahay Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in  Itoobiya ay dan dhaqaale ka leedahay  Somaliland, kuwaas oo haddii aanay heshiin Muqdisho iyo Hargeysa ay adkaan doonto in la gaadho.

“Itoobiya waxay iminka xidhiidh xooggan la leedahay dowladda federaalka oo aay taageero ciidan siiso. Waxay sidoo kale dan weyn ka leedahay Somaliland. Dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami 19% ayaa muhiim u ah dalka aan badda lahayn ee Itoobiya iyo isku dayga uu ku doonayo inuu bad ku helo,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

“Balse way ku adkaan doontaa Itoobiya inay ku guuleysato hadafyadeeda haddii maqaamka siyaasadeed ee Somaliland aan xal loo helin, islamarkaana ay sii socoto cadaawadda ka dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho. Dib u heshiisiin la dhex dhigto labada dhinac waxay xaqiijin kartaa inay Itoobiya ka caawiso in danaheeda dhaqaale ee Berbera  u horseedo xidhiidh siyaasadeed oo qota dheer.”

Warbiixnta ICG ayaa sheegtay in danta labaad ee Abiy ay tahay inuu heshiis dhex-mara DF iyo Somaliland ku damiyo xiisad siyaasadeed oo kaga furan gudaha dalkiisa.

“Abiy waa nin ay gudaha Itoobiya ku haystaan rabshado iyo kooxo kacdoon wada. Guul diblomaasiyadeed oo muuqata waxay wanaajin doontaa sumcaddiia, waxayna sii xoojin doontaa shaqooyinkii nabadeed ee dhowaanahan uu ka qabanayey gobolka – sidii heshiiskii uu la galay Eritea ee uu ku helay abaal-marinta Nobel Peace Prize,” ayey tiri warbixinta ICG.

Category