Itoobiya: 'Biyaha wabiga Nile sidaan doonno ayaan u isticmaaleynaa'

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

"Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa" ayuu yiri.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay.

Xafiiska ra'isal wasaaraha dalka Itoobiyana wuxuu sheegay roobabka aadka u weyn ee ka da'aya dalka Itoobiya ka da'aya iney suuragaliyeen in biyihi uu biyo-xireenka sanadkan ugu horreeya u baahnaa ay buux dhaafeen oo ay biyo xireenka dushiisa biyaha ka daadanayaan.

Laba usbuuc oo keli ah roobabka dalka Itoobiya ka da'ay ayaa wabiga geliyey biyihi sanadki ugu horreeya uu u baahnaa.

Itoobiya waxay marar badan sheegtay buuxinta biyaha biyo-xireenka uu u baahan yahay iney billaabeyso bartamaha bisha July, taasoo la moodo iney sideeda ugu suuragashay.

Dalalka Masar iyo Suudaanna waxay dhankooda ku adkeysanayeen Itoobiya iney billaabin buuxinta biyo-xireenka ilaa heshiis buuxa laga gaaro muranka biyo-xireenka ku gadaaman.

Madaxda seddexda dal iyo guddoomiyaha midowga Afrika ee xilligan oo ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa waxay sheegeen wadahadalki seddexda dal ay yeesheen in natiijo wanaagsan laga gaaray.

Waxayna warbixinta sheegtay guddiyada farsamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney ku heshiiyeen si heshiis kama dambeys ah loo gaaro iney kulammo kale yeeshaan.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo sheegay wadahadalka seddex geesoodka inuu jawi wanaagsan uu ku soo dhamamaday, wuxuuna mahad ballaadhan uu u soo jeediyey madaxda seddexda dal dadaalka ay ka muujiyeen dhibaatooyinka Afrika iney iyagu xallistaan.

Ra'isal wasaaraha Suudaan wuxuu sida oo kale uu sheegay wadaxaajoodka seddex geesoodka inuu isafgarasho ku soo dhamaaday, howlaha haray ee la xidhiidha buuxinta biyo xireenka in kulammao kale aan ka yeelanno ay isku afgarteen.

Axram Online oo soo xigatay madaxweynaha Masar C fataax al-Sisi waxay sheegtay inuu madaxaweynaha uu sheegay Itoobiya, Suudaan iyo Masar iney ku heshiisyeen howlaha harsan iney ka wada hadlaan si xal kama dambeys ah uu u gaaro.

Shucuubta seddexda dal oo warmurtiyeedka seddexda dal ka soo baxay ka duulayo waxay baraha bulshada isku dhaafsanayeen farriimo hambalyo.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Mareykanka Fisum Aregga, wuxuu farriin hambalya ah uu shacabka dalka Itoobiya uu kula wadaagay boggiisa facebook.

Biyo-xireenka weyn ee ay Itooboya ka dhiseyso wabiga Nile dhsiamahiisa marka la dhammeystito wuxuu awood u yeelanayaa inuu dhaliyo koronta dhan 6 kun oo Mega Wat, biya xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn qaaraddan Afrika.

Waxaana korontada biyo-xireenkaasi laga dhalinayo ka faa'ideysan doonta 65 malyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha laga gaaray biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Wuxuuna sheegay biyo xireenka hadda lagu guuleystay biyihi ugu horreeyey iney sidi la rabay u galaan oo lagu guuleystay ayaa guusha soo hoyeen shucuubta dalka Itoobiya ee dal iyo dibadba ku sugan lacagaha ay jeebkooda ka bixiyeen iyaga oo aan u baahan kaalmo iyo deeq shisheeye

 

isha warka. BBC

Category