Jarmalka oo xoojinaya amniga Masaajidyada kaddib markii ay halis soo baxday

Dowladda Jarmalka ayaa ciidamo boolis ah oo dheeraad ah u howlgalin doonta si ay u sugaan amniga masaajidyada, xarumaha tareennada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale ee xasaasiga ah, maadaama ay soo baxday "halis aad u weyn" oo ka imaan karta taageerayaasha midigta fog, kaddib markii weerar dad lagu laayay uu ka dhacay magaalada Hanau, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Horst Seehofer ayaa sheegay inuu aqbalay isbadallo dhinaca amniga ah oo ay soo jeediyeen hoggaamiyeyaasha gobollada, si looga hortago weerarro kale oo noocaas ah.

Kooxda dacwad oogeyaasha ah ayaa sheegay in ninka hubeysnaa ee weerarka geystay, oo la dilay, uu ahaa "qof aad cunsuri u ah".

Sagaal ruux ayaa Arbacadii lagu dilay makhaayado lagu cabo shiishadda oo ku yaalla magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka.

"Halista amni ee ka imaaneysa xagjiriinta midigta fog, kuwa yuhuudda neceb iyo cunsuriyiintaba waa mid aad u heer sarreysa," ayuu yiri Mr Seehofer.

Wuxuu arrintan ku qeexay "Khatartii amni darro ee ugu weyneyd ee uu Jarmalka wajaho".

Muhammed B, oo isagoo dhaawac ah ka badbaaday weerarka, ayaa isagoo sariirta isbitaalka ku jiifa ka sheekeeyay sida uu ninka hubeysan rasaasta ula dhacay dadka ku sugnaa makhaayadda Arena Bar & Cafe.

 

"Qof walba oo uu indhaha saaro wuxuu si toos ah uga tooganayay madaxa. Dhulka ayuu seexday kaddibna rasaas ayuu nagu furay dhammaanteen. Aniga darbi ayaan isku qariyay waana dhaqdhaqaaqayay si aan uga dhuunto, laakiin garabka ayuu iga toogtay," ayuu yiri, isagoo wareysi siinayay warbaahinta Turkish TV.

Yey ahaayeen dadka dhintay?

Dambi baareyaasha ayaa sheegay in dhammaan dadka ku sugnaa meheradda shiishadda ay ahaayeen kuwo asal ahaan qaxootinimo kusoo galay waddanka - qaarkood waxay heysteen dhalashada Jarmalka, halka Turkiga uu sheegay in ugu yaraan shan ruux ay heysteen dhalshada tURKIGA.

Kuwo kale ayaa la sheegay inay ahaayeen dad kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiga.

Dadka dhintay waxaa kale oo ku jiray saddex qof oo u kala dhalatay dalalka Bosnia-Herzegovina, Bulgaria iyo Romania.

Tobannaan kun oo ruux ayaa habeenimadii talaadada ka qeyb galay baroordiiq dadka dhintay loogu sameeyay magaalooyinka Hanau iyo Berlin, waxayna siteen shumacyo shidan, iyagoo wada aamusan.

Weerarka, oo uu fuliyay nin Jarmal ah oo 43 jir ah, laguna magacaabo Tobias R, ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa fal argagixiso.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ka hadashay weerarka ayaa cambaareysay wax ay ugu yeertay "sunta cunsuriyadda".

ern in #Hanau ermordet. Freunde & Cousins trauern mit diesem Foto... Wir können nicht draußen einen friedlichen Abend verbringen, haben Angst um unsere Leben. Was passiert gerade in Deutschland? Wo ist der Schutz? Verdammter #rechterTerror

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka gobolka Hesse, Peter Beuth ayaa sheegay in ninka falkaas geystay aysan horay usii aqoonin ciidamada amniga.

Warbaahinta Bild tabloid ayaa tabisay in ninkan uu heystay qori iyo rasaas u sharciyeysan.

Sharciga hubka ee dalka Jarmalka ayaa ka mid ah kuwa ugu adag caalamka, waxaana lasii adkeeyay sannadihii lasoo dhaafay, kaddib markii ay toogashooyin dad badan lagu dilay dhaceen.

Image removed.

Weerarradii ugu dambeeyay ee ay kooxda midigta fog ka fuliyeen Jarmalka

  • October 2019: Magaalada Halle, ayaa dilay labo ruux, wuxuuna weerarkiisa ka duubayay muuqaal toos ah. Wuxuu markii dambe qirtay inuu aaminsanaa fikirka midigta fog ee yuhuud naceybka ah, sidaasna uu weerarka u fuliyay.
  • June 2019: Walter Lübcke, oo ahaa siyaasi taageera dadka soo galootiga ah, ayaa madaxa laga toogtay, meydkiisana waxaa la helay beertiisa. Nin xiriir la leh kooxaha midigta fog ayaa markii dambe qirtay inuu dilkaas geystay.
  • July 2016: Nin 18 jir ah ayaa toogasho ku dilay sagaal ruux oo ku sugnaa suug laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Munich, kaddibna isagii ayaa isdilay. Mas'uuliyiinta ayaa markii dambe weerarkaas ku tilmaamay "mid ujeedo siyaasadeed lahaa", iyagoo sheegay in ninka dhalinyarada ah uu heystay "fikirka cunsuriyadda ah ee kooxaha midigta fog"

isha warka . BBC

Category