Kalfadhigii 74-Aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Furmey

Hargeysa(RH)Waxaa maanta si rasmi ah Xarunta Golaha Guurtida Somaliland uga furmey kalfadhigii 74-aad ee Xildhibaanada golaha guurtidda Somaliland, kadib markii ay ka soo noqdeen fasixii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen  mudooyinkii u dambeeyey.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa guddoomiye ku xigeenku  waxaa uu warbixin ka siiyay  mudanayaasha waxyaabihii u qabsoomay golahaasi mudadii u dhaxeysay labadii kalfadhi, oo uu sheegay in dhinacyada nabadgelyada iyo siyaasada hawlo badana la qabtay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in diwaangelintii dalka ka qabsoontay talloobiyinkii la qaaday iyo sidii ay doorashooyinku dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Guddoomiye Siciid Jaamac, isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomaya ay kaga duwan yihiin in gobolada Sool iyo Sanaag berri ay ay sannadkan ka qabsoomayso, taasi oo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgeliyada Taamka ah ee dalka oo dhan.

Gaba-gabadii guddoomiye Siciid Jaamac Cali, waxaa uu mudanayaasha golaha u soo jeediyay in doorkooda ay ka qaataan wacyigelinta bulshada ee arrimaha doorashooyinka iyo ta nabadgelyadda.

 

Category