Laamaha Kenya oo baaritaan ku sameeyay Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi

Nairobi (RH)-Ciidamada ammaanka Kenya ayaa maanta oo Talaado ah baaritaan ka sameeyay xawaaladaha Soomaaliya ee ku yaalla xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Baaritaanada ayaa lagu sameeyay dhammaan xawaaladaha Soomaalida ee Kenya, marka laga reebo xawaaladda Dahabshiil.

Yaasin Cabdi Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta xawaaladda Amal ayaa BBC-da u sheegay in saaka 9-kii subaxnimo u yimadeen ciidamada aammaanka balse waxa uu sheegay in wax la xiray aanaey jirin.

Waxa uu sheegay in qaab ka duwan sidii horre ciidamada ammaanka ay u imaan jireen xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi.

Warar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xawaaladaha laga qaatay qalabkii ay ku shaqeen jireen.

Ma cadda illaa sababta Kenya ay u xirtay xawaaladaha Soomaaliya ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaalida ee dibadda jooga in ay hantidooda ilaashadaan isla markaana ay kala soo baxaan waddamada shisheeye.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category