Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Isku-shaandhayn ku Sameeyo Xukuumadiisa

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda amma toddobaadyada foodda innagu soo haya inuu isku-shaandhayn balaadhan ku sameeyo badiba Golaha Xukuumaddiisa.

 

Isku shaandheyntan la filayo oo isku jirta xilka qaadis, isku beddel iyo magacaabis, ayaa lagu wadaa in ay saameyso Wasiirrada qaarkood.

 

Isku shaandheyntan oo in muddo ah la hadal hayey, ayaa waxa la filayaa in ay soo dedejiyaan Xubno ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo u holaday in ay isu soo sharaxaan Doorashada Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee bisha May dalka ka dhinici doonta.

 

Wararku waxa ay intaas ku dareen in xubno shaaciyey in ay u tartamayaan Doorashada Golaha Wakiillada oo uu u horreeyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), uu isku shaandheyntan ku soo dari doono beddelkiisa.

 

Sidoo kale, xubnaha la filayo in ay isku shaandheyntan la filayo ay saameyso, waxa ka mid noqon kara xubno madax ka ah Hay’addaha dawladda oo iyagu ku jira olole ay ku doonayaan in ay isku sharaxaan oo muddooyinkii u dambeeyey shaqooyinkii ay hayeen kaga mashquulay damacooda masharaxnimo.

 

Doorashadan Golaha Wakiillada iyo deegaanka, ayaa la filayaa in ay rag badan oo xil-sugayaal ahaa in ay fursad siiyo, madaama oo xubnaha xilalka Xukuumadda haya qaarkood Golaha Wakiillada u hanqal taagayaan.

 

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in qorshahan isku shaandheynta ee Madaxweynaha aanay ka maqnayn inuu Xukuumaddiisa ku soo daro rag taageero ku soo kordhiya Xisbiga Kulmiye  xilli doorasho adag la gelayo.

 

Madaxweyne Muuse Biixi, oo la filayey inuu isku shaandheyn sal balaadhan ah samaynayo horaantii sannadkan, aanay u dhicin sidii la saadaalinayey, iyada oo isku shaandheyntii u dambaysay ay u badnayd agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo xubin Wasiir ah oo Xilka laga qaaday.

 

Geesta kale Hay’ada Shaqaalah dowlada Somaliland ayaa fariin u dirtey masuuliyiinta kala duwan ee xilalka ka haya Dowlada iyo sidoo kale ciidamada qaranka iyo shaqaalaha dowlada ee doonaya inay u tartamaan Doorashada wakiilada iyo Deegaanka inay shaqada ka tagaan .

Category