Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxa ka dhacay Addis Ababa

Muqdisho (RH)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay qarax saaka ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobiya, gaar ahaan goob uu ka khudbeenayey ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu taleefon kula hadlay ra’iisal wasaare Abiy isla markaana u sheegay sida uu uga xun yahay qaraxa lagu weerarray dadka aan waxbo galasan ee shacabka ee ku sugnaa isku soo baxa ka dhacay Fagaaraha Mascal ee Addis Ababa.

“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo.”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo hadal ka jeediyey telefishanka dowladda ayaa sheegay in qaraxa ay fuliyeen kooxo aan dooneynin in ay arkaan Itoobiya oo mideysan.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan 130 kalena waa ay ku dhaawacmeyn qaraxa Addis Ababa, sidaas waxaa sheegay wasiirka caafimaadka Itoobiya.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay caasimadda Itoobiya.

Abiy ayaa markii xafiiska loo dhaariyey kaddib, waxaa ra’iisal wasaaruhu xilalka ka qaaday madaxdii millitariga iyo sirdoonka dalkaas, waxaa sidoo kale xabsiga uu ka sii daayey maxaabiis siyaasadeed .

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category