Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Ka Qayb Galay Shirweynaha Wadatashiga Dib U Furista Dugsiyadda Waxbarashada Dalka

Hargaysa(RH):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta furay shirweyne ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashadda kaas oo lagaga arrinsanayay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadda waxbarasho ee dalka ee sannad dugsiyeedka 2020-2021 maadaama uu saamayn ku yeeshay Xannuunka Coronavirus.Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashadda,Maamuladda dawladaha hoose ee dalka iyo hay’ado caalami ah.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay in sidii caadiga ahayd ay dugsiyadda waxbarasho u furmi doonaan bisha 8aad ee fooda inagu soo haysa waxaanu xusay in mudo sadex bilood ah ay xidhnaayeen dugsiyadda waxbarasho iyadoo la fulinayo awaamiirtii guddida heerka qaran ee Ka hor taga Covid-19.

 

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashadda Axmed Muuse Muraad ayaa sheegay in Jaamacadaha dalku ay iyana furmi doonaan bisha 8aad iyagoo raacaya Jadwalka u degsan.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku amaanay Mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashadda sida ay horumar uga sameeyeen kor u qaadista waxbarashadda waxa uu Wasiirku sheegay inay Guul u ahayd qaranka Barnaamijka waxbarashadda lagu gaadhsiinaayo ardaydii laga fasaxay dugsiyadda waxbarasho si looga hortago xannuunka Coronavirus,Barnaamijkaas oo si maalinle ah looga baahinayay Telefishanka qaranka Iyo Idaacadda Radio hargaysa kadib markii ay iska kaashadeen Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Warfaafinta, Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Talaabadaasi kor u qaaday niyadii ardayda.

 

Wasiirka Waxbarashadda Iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimada balaadhan ee shirkani u leeyahay waxbarashadda dalka wasiirku waxa uu sheegay in iyagoo fulinaya awaamiirtii guddida heer qaran ee Ka hortaga Xannuunka Covid-19 la furayo dugsiyadda waxbarasho bilowga bisha 8aad ee soo socota isla markaana intii suuro gal ah la yarayn doono ardayda isugu imanaysa fasal kasta oo waxbarasho.Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Gabo gabadii shirkaasi furay ayaa u mahadceliyay madaxda wasaaradda waxbarashadda iyo maamuladda dugsiyadda waxbarasho oo raacay go’aanadii guddida heerka qaran ee xakamaynta xannuunka coronavirus waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenku uu ku dheeraaday sida ay waajibka u tahay in loo sii horumariyo waxbarashadda dalka.

Category