Madaxweyne Ku-Xigeenka Jsl Oo ka Qaybgalay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland, taas oo ku astaysan maalintii ay Dhagaxtuurka sameeyeen dhalinyaradii Somaliland ee UFFO 1982-kii.

Maalinta dhalinyarada Somaliland oo sannadkasta 20-ka bisha February  laga xuso Somaliland oo ah sannad guuradii 39aad ee ka soo wareegtey  maalintii ay dhagaxa tuurka sameeyeen dhalinyaradii ururkii UFFO 1982-kii oo lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex iyo ka  degmada Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka hoggaanka ururka dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Madax ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo xubno ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxaanay ka warameen qiimaha ay maalintaasi u leedahay dhalinyarada Somaliland.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay xubno ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee 1982-kii sameeyay dhagax tuurka, waxaanay warameen sidii ay dawladii milatariga ahayd hubka iyo ciidan xoogga leh ugu adeegsatay dhalinyaradii ka soo baxday dugsiga Faarax Oomaar, ee aan hubaysnayn.

Maxaweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa sheegay in maalintani tahay maalin dhalinyarada Somaliland dib loo xasuusiyo wixii ku dhacay dhalinyaradii UFFO 1982-kii,

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku dheraaday muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay Maalintani ayaa waxaa uu yidhi” Maanta waa maalintii dhalinyaradda, waa xuskii UFO, waa maalin qaran oo mudan inaynu waynayno tusaalena u ah wixii qarankan loo soo maray, waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda qarankoodana ilaashadaan”

waxaanuu madaxweyne ku xigeenku dhalinyarada Somaliland u soo jeediyay inay sii xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo xusay in xukuumaddu diyaar u tahay in xoojiso ka shaqaynta hormarka dhalinyarada.

 

 

 

Category