Madaxweynihii Hore Ee Dalka  Itoobiya Oo Ku  Geeriyooday Addis-Ababa

Addis-Ababa(RH)Madaxweynihi hore ee Dalka Itoobiya ayaa xalay ku geeriyooday Cispitaal ku yaala magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya

Geerida madaxweynaha  ayaa waxaa baahisay Ethiopian Press Agency isla markaana waxay sheegtay in Madaxweynihi hore ee Itoobiya inuu Xalay saqdi dhexe uu ku geeriyooday Isbitaalka ciidamada ee Tor-hayloch oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Girma 1924-kii ayuu ku dhashay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada ee ugu badan dalka Itoobiya.

Waxbarashadiisi ugu horreeysayna wuxuu ka billaabay Dugsiga Teferi Mekonnin oo Addis Ababa ku yaalla.Sanadki 1952-kii jaamacad Netherland ku taallo ayuu ka qaatay shahaadada ugu horreysay oo Maareynta hawada diyaaradaha ah (air-traffic management).

8-dda bisha October 2001-dii ayaa loo doortay Madaxweynaha Itoobiya, 9-ka bisha October 20017 markale ayaa xilka loo doortay wuxuuna dalka madaxweyna uu ka soo ahaa muddo 12 sana ah.Sida uu dhigayo qaab dhismeedka dowladda Itoobiya ay ku dhaqanto wuxuu ahaa madaxweyne sharafeed aan awood badan lahayn halka awoodda hoggaamineed ee dalku uu leeyahay Ra'isal wasaaraha dalka.

Madaxweynaha wuxuuna ku hadli jiray afafka ay ka midka yihiin Amxaariga, Oromada, Cafarta, Ingiriisiga, Talyaaniga iyo Faransiiska,aga billaabo 1941-kii ilaa iyo 2013-kii oo uu shaqada howlgab kaga fadhiistay muddo 72 sana ah wuxuu ka soo shaqeeynayey shaqooyin kala duduwan oo dolwadeed.

Madaxweynaha wuxuu ku dhintay 94 jir, iyada oo lagu wado in aas qaran loo sameeyo.

 

Category