Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (RH)- Magaalada Kismaayo, waxaa maanta oo Isniin ah tagey madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga Xasan Shiikh oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo labadiisa ku xigeen, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo dadweyne fara badan ayaa wafdiga Xasan Shiikh ku soo dhaweeyay Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarrunta matida, waxaana Axmed Madoobe oo hadalka ku horreeyay uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaashiyaha Xasan Shiikh oo uu ku tilmaamay in yahay madaxweynihii aasaasay dowlad goballeedyada qaybta ak ah federaalka isla markaana uu ahaa qofkii dhisay maamulka Jubbaland.

Xasan Shiikh ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu arko Jubbaland oo horumartay, waxa uu sheegay in nidaamka federaalka uu yahay wax ay ku heshiiyeen dadka Soomaaliyeed in ay qaataan.

Si kastaba, Xasan Shiikh Maxamuud kama hadlin u jeedka rasamiga ah ee u tagey Kismaayo. balse warart ayaa sheegaya in laga yaabo in uu Kismaayo ka furo xarrun uu lee yahay xisbiga midowga nabadda iyo horumarka (UPD) ee guddoomiyaha ka yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud xildhibaannada la socday waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto, sidoo kale waxaa la socday agaasimihii horre ee hey’adda sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category