Matte Frederiksen "Waallidiinta qaarkood ayaa jaanis badan la siiyey"

RH Kolding: Raisal wasaarada wadanka Denmark Mette Frederiksen ayaa caawa Telefishinka ka jeedisay Khudbadeedii sannadka cusub ee ugu horeysay intii ay xilka haysay ,

Waxa ay fariin udirtay waallidiinka kunool wadanka Denmark oo loo fahmey in ay u jeeday kuwa dalalka kale ka yimid ee ku nool haatan wadanka Denmark , waxaaney hadal digniin iyo duur xul isugu jira u marisay muuq baahiyaha.

Waxaana hadalkeedii ka mid ahaa kuwan :-

"Qaar ka mid ah waalidiintu waxa ay ka yimaadeen dalal ay caadi katahay in caruurta loo gacan qaado oo la dilo, taas lagama ogola wadanka Denmark , Denmark waa mamnuuc in uu waalidku caruurtiisa dilo, sidoo kale waa in habluhu helaan xuriyad la mid ah tan uu wiilku helo, ka bulsho ahaan waa in aynu arinkan u foojignaanaa".

"Caruurbadan oo dayacan waa in la qaadaa oo la dajiyaa meelkale si ka dhakhso badan sida  hada, waana in xaalada caruurtaas la qaado laga dhigaa mid mudo dheer sugan"

"Mida ugu muhiimsan ee biyo kama dhibcaanka ahi waa in uu  imaha yari kukoro Kalsooni,kalgacayl iyo deganaansho".

"Sidaas awgeed ayey muhiim u tahay in caruur badan oo dayacan la qaado si cidkale ukorsato iyaguna  uhelaan nolol bilaw ah oo sax ah"

 

Diyaarinta warka : Mohamed-amin Siyad Abdi

Category