Maxaa la dagay kooxdii magaca weynayd ee Elman, oo markii ugu horreysay taarikhda ku laabatay Serie B?

Muqdisho (RH)-Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium waxaa Arbacdii shaley ka dhacday cayaar mucjiso ah, oo ay isku arkeen kooxaha Elman iyo Jeenyo oo ka mid ah kooxaha ugu waawyn Soomaaliya ee xagga kubadda cagta.

Cayaarta waxaa kaloo u soo daawasho tehay dad u fara badan kuwaasoo bal ka warsugayay kooxda ku laaban doonta heer labaad ee horyaalka kubadda Cagta Soomaaliya, maadama ay wada lahaayeen labada koox min 17 dhibcood.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar aad loo jecleestay oo ay ka muuqatay weerar iyo weerar culus.

Qeybta horre ee ciyaarta ayaa kooxda Jenyo LLPP waxa ay heshay gool waxa u dhaliyay cayaartoyga lamabarka 25-aad u wata ee Mugisha, laakin ila Elman ayaa dadaal ay sameesay waxa ay heshay gool barbar dhac.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa kooxda LLPP Jeenyo, waxa ay heshay gool kale, oo u dhaliyay cayartoyga Freed oo u dhashay dalka Uganda, waxaana goolkaas cayaartoyda iyo taageerayaasha kooxda uu ka dhigay mid niyad jabiya, waayo kooxda markii ugu horreysay taarikhda ayey kulaabatay cayaaraha heerka labaad ee B-da.

Kooxda Elman waxa ay ka mid tahay kooxaha caanka ee kubadda cagta Soomaaliya, waxa ay horrey ugu guuleysatay koobab fara badan.

Laakin dhibka ku dhacay kooxda ayaa lagu sheegay iyadoo dhaqaale yari ay soo wajahday iyo cayaartoy fara badan oo ka tegay iyo saddex tababar oo isku beddalay muddo sannad ah.

Weriye Maxamed Cumar Baakaay oo ka faalooda cayaaraha ayaa sheegay in kooxda Elman ay shaley u ahayd maalin mugdi badan waayo cayaartoyda waxa ay garoonka ka baxeen iyagoo oonaya.

Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, waxaa hadda ka harsan labo kulan waa kan galabta dhex mari doona kooxaha Dekedaha iyo Hoseed iyo berri oo ay cayaari doonaan kooxda MCC iyo Gaadidka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category