Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa heerka cusub ee la gaarsiiyey hawadeeda?

Muqdisho (RH)-Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya.

Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi.

Maareeyaha hay'adda duulista rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaan sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi kolkii hore awood u lahayn.

Xigasho: BBC

Category