Meydka gabdho Soomaali ah oo la’aa oo laga helay Minnesota

Minneapolis (RH)- Ciidamada booliska magaalada Chaska ee magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ayaa xaqiijiyey dhimashada labo gabdhood oo Soomaali ah kuwaasoo la’aa tan aroortii horre ee subaxnimadii Sabtidii.

Booliska ayaa xaley soo gabagabeeyey baaritaan ay ku hayeen kiisaska gabdhahan, oo markii u dambeesay ay weydiisteen booliska gargaar, kaddib markii ay soo waceen lambarka gargaarka degdegga ee booliska Minneapolis.

Booliska ayaa sheegay gaarigii ay wateen Bushra Maxamuud Cabdi iyo Seynab Cismaan Cabdulle oo labadaba 19 jir ahaa, uu ku dhacay Balli ku yaalla magaalada Cheska oo dhinaca koonfur galbeed kaga beegan magaalada Minneapolis

Taliyaha booliska magaalada Chaska, ayaa saxaafadda u sheegay in meydadka gabdhaha mid ka mid ah laga dhex helay gaarigii ay wateen, midda kalena biyaha dhexdooda.

Taliyaha ayaa sheegay in weli booliska ay wadaan baaritaan ku saabsan sababta keentay shilka ay gabdhahan ku dhinteen, balse waxa uu si hordhac u sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur.

Gabdhahan ayaa la sheegay in ay ahaayeen saaxiibbo iyo qaraabo isku dhow, sida uu sheegay weriyaha VOA-da ee Minneapolis.

Labadan gabdhood ayaa ka shaqeen jiray meel sidaas ukala fogeen, waxaana ay ka yimaadeen shaqadooda si ay u nastaan sida ay sheegtay Nimco Xasan oo ah hooyada Bushra.

Jaaliyadda Soomaalida ee Minnapulis ayaa doorweyn ka qaatay baadigoobka Bushra iyo Seynab, iyagoo taagnaa hareeraha balliga, waxaana ay caawinayeen qoyska gabdhaha illaa inta meydkooda laga soo saarayey.

Shilkan ay ku geeriyoodeen labada gabdhood, ayaa ku soo beegmay iyadoo uu soo kordhayo naceybka dadka Muslimiinta ee ku nool Mareykanka.

Qoyska ay ka soo jeedeen gabdhahan ayaa ka warsugaya booliska baaritaanka ay wadaan si loo ogaado waxa sababay in gaarigii ay wateen uu kala dhaco Balli

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category