MURUGO: Gabar wax ka qortay guursiga shisheeyaha & SILAC ay la kulmeen labo gabdhood oo Soomaali ah

Ankara (RH)-Waxaan daawaday laba gabdhood oo Soomaali ah muuqaal ay so duubeen oo labadaba ay qabaan niman Turki ah.

Dhibaatada guurka ajnabigu uu leeyahay waxaan so xasuustay maahmaahdi ahayd caraftaada haka fogeynin ninka aad urkaaga ukeeni doontid.

Wax badan ayaan ragga Soomaaliyeed si caasinimo leh u niri waxma tarayaal iyo Faaraxyo balse waxa xaqiiqo ah inAy yihiin dadka aduunka ugu wanaagsan dhawaq badan iyo dheg xumo kasta ayay noogu samreen dhowr magac oo kala noocana waan u bixinnay.


Intaas kaddib hadaan u dhaadhaco dhibka uu leeyahay guurka ajnabigu horta wax jacayl ah ka heli maysid nin aan somaali ahayn marka aad sida filimadi camal inta isaso suureeyso aad istira naxariis iyo hadal dabacsan la wadaag waa adigo qof marti ah oo kuu yimid la sheekaysanaaya oo kale yacni qof marka uu ku sheekaynaayo sow ma fiirisid afkiisa oo hadana qalbiga waxa uu sheegaayo kuma sii kala shaandhaysid ama waa ruux ku dhaafsan oo islamarkaasba aad is leedahay ”ma niyaduu kaa xamanayaa?”

Ninka Soomaaliga ah markaad si naxariis leh ula hadasho oo weliba intaad hor istaagto aad tiraahdo waan ku jeclahay ee sidaan waxka bedel waxaa laga yaaba inuu mar walba xasuus ku noqdo hadalkaagu amaba aan dib dambe khalad ugaso laaban. Ninka Soomaaliga ah waxaa laga yaaba inuu dabeecadahaaga mid uun ka helo midaasna uu kugu jeclaado,balse ninka ajnabiga midna kuguma rabo.

Ninka Soomaaliga ah ma rabo naag ajnabi ah mar walbana waxa uu ka cabtaa nadaafad xumada dumarka shisheeyaha, balse ninka ajnabiga nadaafad walba oo aad leedahay iyo si walbo aad u caraf iyo udgoon badan tahay wuxuu kaa jecel yahay ina adeerrtiis aan carfin.


Maanta dhana wuxuu kaaga sheekAynaya waxyaabo ay dumarkoodu isticmaalAan markaas ayaad waxaad ku cel celinaysaa ”uma jeedid miya dhowr iyo sodonkaan dhalo oo catarka iyo barafuunka ah waa maxay waxaan aad ka hadlaysaa?”

Ninka Soomaaliga ah qiimahaaga iyo dadnimadaada ayuu yaqaan weliba wuu kugu amaanaya halka kan ajnabiga ihi kugu yaso. Waxaa dheer, ninka Soomaaliga ah waxaad taqaan cid aad u kala dacwootaan balse ajnanigu nidaamkaas ma laha inta badanna dadka Bariga Dhexe deggan gabadha waxaaba loola dhaqmaa sidii inuu ninku iska leeyahay.


W/Q: Mullaaxo Sabriye

Category