Qofkii 11-Aad Oo Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Covid-19

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 11 Aad ayaa Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Covid-19.

Marxuumkan Geeriyooday ayaa Daganaa magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Waxaana da’diisa lagu sheegay 65 jir.Siday ay Warbaahinta U Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland

 

Baadhitaano 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey oo lagu Baadhay 20 qof ayaa laga Helay Xanuunka Coronavirus  2 qof oo Cusub oo ah Somalilander , joogana Hargeysa kuwaas oo kala Ah 1 Nin iyo 1 Dumar Ah.

 

Da’da Bukaanadan cusub ayaa waxa ay u dhaxaysaa 30jir ilaa 40jir,Bukaanadan ayaa waxay degen yihiin magaalada Hargeysa

Wadarta Guud ee Somaliland Xanuunka laga Helay ayaa dhan 131 Qof

 

Category