Seygii hore ee Amiirada Norwey oo is dilay

Ari Behn: oo ahaa qoraa iyo seygii hore ee amiiradda Norway ayaa jiray 47 sano

Ari Behn, oo uu mar soddog u ahaa boqorka Norway, ayaa geeriyooday isagoo jiray 47 sano, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Behn, oo qoray dhowr buugaag, ayaa guursaday Amiirad Martha Louise sanadkii 2002 balse waxay labadoodu kala tageen labo sano kahor.

Afhayeenkiisa ayaa wakaaladda wararka Norway ee NTB u sheegay in Behn uu is dilay.

War-saxaafadeed ka soo baxay, boqorka iyo boqoradda Norway ayaa lagu yiri "wuxuu ahaa qeyb muhiim ah oo qoyskeenna ka tirsanaa sanado badan waxaana u heynaa xusuuso fiican".

Arooskoodii, Behn oo u dhashay dalka Denmark ayaa lagu mursansanaa inuu noqdo lammaanaha Amiirad Martha Louise, oo ah gabadha keliya iyo curadda Boqor Harald iyo Boqorad Sonja.

Behn ayaa amiiradda ku bartay hooyadiis, oo macallimad u ahayd amiiradda hooyadeed. Wuxuu markaas caan ku ahaa qoraaga buugga, Sad as Hell, balse wixii intaas ka dambeeyay waxaa laga duubay muuqaallo isagoo la tumanaya haween jirkooda ka ganacsada oo isticmaalayay daroogo iyagoo ku sugan Las Vegan.

Lammaanaha ayaa isu dhalay saddex gabdhood - Maud, Leah iyo Emma - balse waxay kala tageen sanadkii 2017. Xilligaas, amiiradda ayaa sheegtay: "Waxaan dareemeynaa eed sababtoo ah waxaan awoodi weynay inaan sameyno sidii ay carruurteenna u qalmeen."

Bishii December 2017, Behn ayaa ku eedeeyay aktarka Hollywood-ka Kevin Spacey inuu daba dhigtay kaddib xaflad lagu bixinayay abaal marinta Nobel Peace Prize. Wuxuu sheegay inuu miiska hoostiisa gacanta ka soo bixiyay oo uu taabtay. Spacey kama uusan jawaabin eedeymaha.

"Waxaan ku faraxsannahay inaan barannay," Boqor Harald iyo Boqorad Sonja ayaa sidaasi ku yiri war-saxaafadeedkooda. "Waxaanu ka murugeysan nahay in carruurteenna ay waayeen aabbahoodii ay jeclaayeen."

isha warka.BBC

Category