Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta ka Qaybgalaya Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland

Hargeysa(RH):-Muddo 99 maalmood ah, ayaa ka hadhsan wakhtiga loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashooyinka muddo dhaafay ee Wakiillada iyo deegaanka, oo la filayo in ay dhacaan 31 bisha May oo maanta oo keliya innaga xigaan 99 maalmood.

Xisbiyada qaranka Somaliland iyo beelaha kala duwan ee Somaliland ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta uga qaybgalaya Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin kala duwan.

Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya.

Sidoo kale Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa kulan la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay'ada Shaqaalaha Dawladda.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Laamaha Dawlada ee kala duwan ee Gudida Doorashooyinka Somaliland la shirey

ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la'aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm.

Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay'adaha kala duwan ee Dawladda iyo Gudida Doorashooyinka Somaliland u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.

 

Shuruudahan, Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Soo bandhigeen, ayaa ah kuwan hoos ku qoran:

ww

 

fee

 

Category