Somaliland Masuuliyiin Dowladeed iyo Dad Shacab Ah Oo loo Xidhay Arimo Musuq-Maasuq

Hargeysa(RH):-Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Arimo Musuq-maasuq u Xidhay Xubno iskugu jira Masuuliyiin  Dowladeed iyo Dad shacab ah .

Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Dirir Ayaa Warbaahinta U Cadeeyey in ay xabsiga u taxabeen saraakiil lagu eedeyay falal la xidhiidha musuq-maasuq  iyo Dad kale oo Shacab ah.

Axmed Yuusuf Dirir,-Hanti-dhawraha guud waxa uu sidoo kale sheegay in ay xidheen dad shacab ah oo isticmaalayey Dhokamantiyo ay dawladdu leedahay oo been abuur ah islamarkaana ay baadhitaanno ku wadaan dawladaha hoose ee Dalka.

Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo wax laga waydiyey in badhitaanku ku eeg yahay shaqaale hoosaadka dawladda oo aanay gaadhin Madaxda sare sida Wasiirada ayaa sheegay in ay hore u soo eedeyey Wasiiro iyo Agaasimayaal guud kuwaaasi oo xilalkoodu ku waayey markii lagu helay Xatooyo xoolo Dadweyne,balse aanu ku dhicin Xukun Maxkamadeed

Masuuliyinta la xidhxidhay ayaa ka hawlgelayey gobollada , Awdal, Togdheer iyo Saaxil kuwaasi oo isugu jira Xisbiyayaal , Isuduwayaal iyo shaqaale hoosaad.

 

Category