Somaliland oo faahfaahin ka bixisay dagaal saaka ka billowday Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay saaka soo saartay ku sheegtay in dagaal lagu soo qaaday ciidamadeeda ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood.

Warkaan oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaliland ayaa lagu yiri, “Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood,”.

Waxaa intaa lagu daray in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood ka socda.

Wuxuu sheegay in dadka reer Laascaaood loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ay tahay arrintaa in waqtigeeda laga xisaabtamo.

“Waxaan ku kalsoonahay in Shacabka reer Laascaanood ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay sheegto in aysan ku lahayn dagaalka muddaba bisha ku dhow ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xigasho: BBC

Category