Somaliland Oo Yeelanaysa 14 Dekeddood

Hargeysa(RH):-Somaliland ayaa yeelanaysa 14 Dekeddood waxaana si rasmi ah loo aas-aasayaa Hay'addaha Dekeddaha Somaliland

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyey Xeerka Dekeddaha Somaliland, kaas oo ay ka dooddi doonaan Xildhibaannadu maalmaha soo socda.

Xildhibaan Obsiiye oo ka mid ah Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa golaha warbixin ka siiyey Xeerkan, isaga oo xusay in la aasaasayo Hay'adda Dekeddaha Somaliland, oo ka kooban 9 xubnood oo Madaxweynuhu magacaabi doono.

Sidoo kale Xeerkan ayaa lagu xusay in ay Somaliland yeelan doono 14- Dekeddood oo taxan Saylac Illaa Ceelaayo inta u dhaxaysa.

Dekeddahan, ayaa waxa ay kala noqon doonaan Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Ceel-daraad, Karin, Conqor, Ruguuda, Shalacow, Xiis, Maydh, Carsho, Laasqoray Iyo Ceelaayo.

Category