Theresa May oo niyadjabsan kadib kolkii caawa Baarlamaanku diidey heshiiskii ay la gashey EU

RH. London: Dood dheer ka dib waxa caawa aqalka baarlamaanka UK cod aqlabiyad ah ku diidey heshiiskii ay mudada dheer ay raisal wasaare Theresa May kasoo shaqeynaysay kaas oo ku saabsanaa xeer hoosaadka ay ku wada dhaqmayaan UK iyo EU kadib kolka uu Ingriisku ka baxo ururka midawga yurub.

codeyta ayaa u dhacdey sidan

 432  diidey  iyo  202 ogolaadey.

Hogaamiyaha mucaaradka Mr. Jeremy Corbyn ayaa yidhi '' tani waa fashilkii ugu waynaa ee dawlada May ku dhaca tan iyo 1920 kii.

Arintan ayaa runtii niyad jab iyo wajigabax ba ku ah Raisal wasaare May oo aan habeen iyo maallin ka seexen sidii ay heshiis ula galilaheyd midawga yurub inta aan furiinku dhicin bisha Maarso.

 

 

Radio Hormuud warar cusub saacad walba.

 

Category