U jeedada Shir Dhexmarey Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran

Hargeysa(RH):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Guddiyo farsamo oo ka socda saddexda Xisbi Qaran, ayaa kulan ay saxaafaddu dibada ka joogtay oo ay yeesheen kaga wada hadlay dejinta geedi-socodka hannaanka Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamo oo lagu heshiiyey in mar la wada qabto, sida uu sheegay masuul ka tirsan xisbiga UCID oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay.

Shirkan oo saacado badan qaatay, ayaa lagaga wada hadlay sidii hannaanka Doorashooyinka loo waafajin lahaa heshiiskii siyaasiga ahaa ee ay wada gaadheen Madaxda saddexda Xisbi qaran iyo Xukuumaddu bishii la soo dhaafay iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ah murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga UCID oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixieyey waxyaabaha ay ka wada hadleen guddida Doorashada iyo qorshaha ay isla meel-dhigeen “wuxuu ahaa kulankii u horeeyey ee ay Xubnaha guddida ah ee ka socda xisbiyada iyo guddida doorashadu ku kulmaan. Salaasadii hore guddoomiyeyaasha xisbiyada ayey la kulmeen, laakiinse hadda waxa bilaabmaya wada shaqayntii ka dhaxayn jirtay xilliga doorashada saddexda xisbi iyo Komishanka oo ah in laba laba xubnood oo guddi farsamo ah ay soo xushaan, markaa maanta isbarasho ayuu ahaa.

waxa ay xog naga siiyeen Guddida Doorashadu wixii ay hore u soo qabteena oo ay kamid tahay Diwaan-gelintii codbixiyeyaasha Doorashada ee la qabtay 2016-kii iyo diwaan-gelinta iminka la samaynayo maxaa looga baahan yahay wakhtiga ay u baahan tahay, walina waa noo socdaan kulamadu oo mid laba kalena waa noo hadheen”

Prof. Abyan murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah, ayaa isagoo ku dabaqaya xog-waranka ay komishanka la yeesheen, waxa uu rejjo wanaagsan ka muujiyey in Doorashada goleyaasha ee is-barkani dhacayaan wakhtiga lagu heshiiyey ee loo asteeyey “Doorashadu in ay dhacdo wax weyni ma hortaagna waxa ugu muhiimsani waa kharashka lagu qabanayo intii laga filayey qaadhaan-bixiyeyaasha, laakiinse heshiiskii siyaasiga ahaa ee Madaxweynaha, asxaabta iyo Xukuumadda kaas waa la gaadhay oo waa laysku raacay in Doorasho la aaddo waanan rajjeynayanaa in doorasho dhacdo”ayuu  sheegay.

Murrashaxa, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata beyaamiyey in kulamada u bilaabmay guddida Doorashada lagu dejin doonto guud ahaan jadwalka Doorashada ee marxalada hadda la marayo ilaa maalinta cod-bixinta iyo qiimeynta baahiyaha yaalla “waxaanu rajjeynaynaa in kulamadan iminka noo bilaabmay uu ka soo baxo jadwalkii Doorashadu, iyadoo la qiimaynayo howlaha yaalla ee u baahan in la qabto maanta ilaa maalinta Doorashada la codaynayo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Siyaasi Axmed Cabdi Abyan, ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanku ka dhacayso gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle iyo in Xisbiyada qaranku mowqif midaysan ka taagan yihiin arrinta saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo ay cabasho ka qabaan gobolada dalka qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee, talaabooyinkan bilowga ah ayaa dhabada u xaadhaya in shacbigu sida ugu dhakhsaha badan u soo doorto goleyaal cusub oo bedella kuwa hadda joogga oo wakhti dheer fadhiyey.

 

Category