Wasaaradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada JSL Oo Shaacisay inay  Maalinta Bari Ah Fasax-yihiin Shaqaalaha Rayidka ahi

Hargeysa(RH)Wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa shaacisay in maalinta berri ay shaqaalaha rayidka ahi shaqada fasax ka noqon doonaan xuska maalinta dhalashadda  nebiga awgeed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed  Cilmi  Aadan (Ilkacase) Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka Radio Hormuud ayaa dhignaa sidan:-

“Dhammaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland,  waxa lagu wargalinayaa in ay berri  oo taariikhdu tahay 20-11-2018 oo ku beegan 12.Rabiicul awal 1440 ay tahay fasax qaran, taas oo ah dhalashada Nabiga Awgeed(NNKA) sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer NO31/2004 ee Somaliland.

Sidaas awgeed, waxaanu shaqaalaha rayidka ah Ilaahay  uga baryeynaa in sannadka sannadkiisa  bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo horumar Ilaahay  ku gaadhsiiyo.”

 

Category