Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Soo Kormeeray Biriijka cusub ee  Magaalada Boorama

Boorama(RH):-Wasiirka  Wasaarada  Ganacsiga  Warshadaha  iyo  Dalxiiska Somaliland Maxamuud  Xasan  Saajin  ayaa  soo kormeeray  Dhismaha   Biriijka  cusub  ee   isku  xidhaya   Jaamacadda  Cammuud iyo  Magaalada  Boorama.

Maxamuud  Xasan  Saajin  oo hadal  ka jeediyay  kormeerkaa  uu ku soo sameeyay  Dhismaha  cusub ee  Biriijka isku xidhaya    Boorama  iyo Jaamacadda  Cammuud  ayaa  Sheegay in  Biriiijkaasi  uu noqon doono  halbawlaha isku xidhaya  Jaamacadda  Cammuud iyo Magaalada Boorama,

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Biriijkani  waxa uu  noqon  doonaa  halbawlaha  isku  xidhi  doona  Magaalada  Boorama  iyo  Jaamacadda  Cammuud  waxaanu ku yimid  Biriijkani  deeq    Madaxweynaha  Somaliland ka timid,meeshan   laga  Samaynayo  Biriijka waa  meeshii  daadku  dadka ku xidhi jiray  marka laga  Tallaabayo Jaamacada  Cammuud waxay ka mid tahay  hawbawlaha  Qaranka  Somaliland.waxa  ay ku jirtay  dhibaato  wakhtiga  Roobabka  aad  iyo  aad ayuu ugu  Mahadsanyahay  Madaxweynuhu Go,aankaa uu gaadhay  ee in Magaalada  Boorama  iyo  Jaamacadda  Cammuud  aanay kala xidhmin  waxaana    aad iyo  aad ugu  Mahadsan  Jaamacadda  Cammuud oo  hawshan  u  dhabar  adaygay,”.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay    Guddoomiyaha  Jaamacada  Camuud  Prof.  Saleebaan  Cabdi   Guuleed  oo Sheegay in  ilaa  habeenkii  Sagaalka iyo badhka  Habeenimo laga Shaqeeyo  Biriijkan isku  xidhaya  Jaamacadda  Cammuud iyo  Magaalada Boorama.waxaanu yidhi“Illaa  Habeenkii  Sagaalka iyo  badhka  habeenimo   ayaa la  Samaynayay  Biriijkan   Toddobada  subaxnimo  ayaana la bilaabaa,markaa  degdeg ayuu  ku socdaa  Biriijkani  waxaanan filaynaa in sidii loogu talo galay ay u socoto  tayada  Biriijku aad iyo  aad  ayay u wanaagsan tahay,waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Biriijkan ku deeqay.”

 

Category