Weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Norway

Booliiska dalka Norway ayaa xiray nin lala xiriirinayo weerarkii Sabtidii lagu qaaday Misaajid ku yaalla magaalada Oslo.

Booliiska ayaa waxay sheegeen in nin hubaysan uu rasaas ku furay misaajidka Al-Noor Islamic Centre, oo ku yaalla duleedka magaalada Oslo.

Goor dambe ayaa waxaa sidoo kale guriga ninka looga shakisan yahay weerarka laga helay meydka haweenay,sida ay booliiska sheegeen.

Haweenaydan oo ay da'deedu tahay 20 jir islamarkana u dhalay dalka Norway sida uu sheegay ku xigeenka booliiska goobta uu falka ka dhacay.

Waxa uu intaa ku daray in ninka ay booliiska xireen imika sidoo kale uga shakisan yahiin in uu dilay qaar ka mid ah eheladiisa.

"Waxaan uga shakisanahay in uu dil gaystay,qofka dhintay waxay ehel yihiin ninkii aan hory u xirnay ," ayuu yiri.

Booliiska Norway ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ninka weerarka ku qaaday Misaajidka uu kaligii ku ahaa weerarkan.

gaasimaha Misaajidka la weeraray ayaa u sheegay saxaafadda maxaliga ah in halka qof ee weerarka ku dhaawacmay uu yahay nin 75 jira ah oo ka mid ahaa jamaacada Misaajidka.

"Mid ka mid ah jameecadeena ayaa waxaa toogtay nin caddaan ah oo xiran koofiyaad iyo dariis," waxaa sidaasi u sheegay wargayska Budstikka Mr Irfan Mushtaq.

Ninka weerarka gaystay ayaa markii uu misaajidka galay waxaa ka awood batay dadkii ku tukanayay misaajidka ka hor inta aysan booliiska soo gaarin goobta,ayuu intaa ku daray Mr Mushtaq.

 

source.BBC

Category