Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Markab Xoolo Siday Oo Sucuudiga Dib looga soo Celiyey

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay Markab xoolo siday oo dawladda Sucuudigu ay dib usoo celisay, kaasi oo siday todoba iyo toban Kun oo Adhi ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo Warbaahinta dawladda la hadlay ayaa sheegay in Markabkaasi lagu soo celiyey Xanuuno yaryar oo xoolaha laga helay kuwaasi oo ah Finan yaryar oo kasoo baxay afka iyo qaybaha jidhka .

 

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii uu Sucuudigu ku xidhay Xoolaheena   “Markab ka mid ah maraakiibta xoolaha qaaday  mid ka mid ah waa lasoo celiyey , wasaarad ahaan dadaal badan ayaanu galnay sida hubinta Caafimaadka iyo shuruudaha Sucuudigu ku xidhay xoolaha dhammaan waanu buuxinay” ayuu yidhi

 

 

Xoolahan oo markii hore ka dhoofay Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey, waxaanay xoolahaasi uu ku soo jeedaan dhinaca Dekedda Berbera.

 

Category