Xukuumada Somaliland Oo Sheegtey in la Qabtay Qaar ka mid ah Dabley 7 Qof ku Dishay Ceel-afweyn

Hargeysa(RH)Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shaaca ka qaaday in la qabtay  qaar ka mid ah dabley shalay deegaanka Ceel-afweyn ku dilay Toddoba qof.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay  Xarunta madaxtooyada Somaliland  oo u dhignaa  sidan:-

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Toddoba ruux oo afar ay haween yihiin.

Iyadoo Ciidammada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida  dableydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dableydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladdooda, kana war-sugaan  hawl-galka ciidammada iyo horgaynta sharciga.”

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkeynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada ammaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada.”

 

Category