Xukuumadda Somaliland Oo Cambaaraysay Hub Dawladda Masar Ku Caawisay Soomaaliya

Hargeysa(RH)Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa cambaareeyey hub dawladda Masar ugu deeqday dhawaan Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ka hor imanaya cunaqabateyntii hubka ee Qarammada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga JSL wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu Soo-saarey waxaanu Wasiirku ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay si cad u jabisay xayiraadii hubka ee Qarammada Midoobay hubka ka saartay Soomaaliya.

 

Wasiir Cabdiqani Caateeye wuxuu caddeeyey inay Somaliland walaac ka qabto in hubkaasi uu waxyeelo ku yahay ammaanka iyo xasiloonida Mandaqadda Geeska Afrika.

 

Waxaanu midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay ku wargeliyey halista ka dhalan karta hubkaas sharci darrada ah ee Masar sida qarsoodiga ah u siisay Dawladda Farmaajo bishii Feberwari ee Sannadkan oo warkeedu xiligan si sir ah uga soo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya

 

Category