Xukuumadda Somaliland Oo Dalka ka Mamnuucday Adeegga Forex

Hargaysa(RH):- Baanka Dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray amar ah in aanu dalka ka shaqayn Karin oo uu mamnuuc ka yahay barnaamijka Forex ee sarifka lagacaha kala duwan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexannaa guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa barnaamijka Forex ku tilmaamay in uu la mid yahay mashruucii Jiif oo Jaq.

Kadib markii Baanka Dhexe uu in muddo ah dusha kala socday barnaamijka Forex, isla markaana uu sameeyay baadhis iyo daraasad qoto-dheer.

 

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi),Ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Barnaamijka “Forex” oo la nooca mashruucii “Jiif oo jaq”

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka socday gudaha Jamhuuriyadda Somaliland barnaamij loo yaqaan “Forex” oo bulshadda lagaga urursanayo lacag loona balan-qaadayo in ay heli doonaan macaash dhan 100% ama ka badan.

Tusaale ahaan, haddii qofku ku darsado barnaamijka “Forex” lacag dhan USD 5,000 waxa uu muddo yar ka bacdi heli doonaa macaasha dhan USD 5,000 iyo gun-dhigiisii oo loo kaydin doono.

Haddaba, Baanka Dhexe ee JSL waxa uu in muddo ah dusha kala socday barnaamijka Forex, waxa uu sameeyay baadhis iyo daraasad qoto-dheer, waxaana u caddaatay in uu barnaamijka “Forex” la nooc yahay barnaamijkii la odhan jiray “Jiif oo jaq”, isla markaana aanay jirin suuqyo iyo shirkado sharci leh oo la maal-gashanaayo.

Sidaa awgeed, Baanka Dhexe ee JSL waxa uu ku war-gelinayaa bulsho-weynta Somaliland, hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo cidii kale ee ay khusaysaba in uu barnaamijka “Forex” mammnuuc ka yahay jamhuuriyadda Somaliland sida ku qeexan Qodobka 97aad, faqradiisa 1aad, Xeer. Lr: 54/2012, oo dhigan sida soo socota:

Reebbanaanta Qaybsashadda Mashaariicda aan Macaashkoodda la helin “Pyramid Schemes”.

“Qofna waa in aanu si toos ah ama si dadban u Bilaabin, Bixin, Xayaysiin, Fulin, Maalgelin, Maareyn, Korjoogin, ama Agaasin mashruuc macaash aan la helin oo loo qaybiyo ka qayb-qaateyaasha mashruuc ay inta badan ku xidhan tahay korodhka xubnaha cusub”.

Annaga oo ku kalsoon in bulsho-weynta, hay’adaha dawladda iyo cidii kale ee ay khusaysaaba fulin doonaan Qodobka kor ku xusan, naga guddooma salaam diiran.

Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi).

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.”

 

Category