Xukuumadda Somaliland Oo ka Hadashay Hay’ado Warbaahineed Oo la Xayirey iyo Qaar Ruqsadii lagala Noqday

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Xayiraad iyo Ruqsad kala noqosho ay ku samaysay Telefiishannada Universal, Star iyo Mareegta Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in aanay xilligan Maskaxda ku haynin inay Warbaahinta ay xayireen ay Ruqsadda u soo celiyaan.

Wasiir Koore oo wax laga weydiiyey  qorshaha Xukuumaddu ka damacsan tahay Xayiraadda lagu soo rogay Telefiishannada Universal, Star iyo Shabakadda Wararka ee Hadhwanaag oo aan Dalka gudihiisa laga booqan Karin iyo inay Telefiishannadaa Ruqsaddooda u soo celinayso, si ay mar labaad shacabka ugu adeegaan ayaa ku jawaabay “Ciddaa aad soo sheegtay oo dhan (Hadhwanaag, Star Tv, Universal Tv) waxaanu u garanay in aanay ahayn Dantii Ummadda reer Somaliland ee geeddi socodka ka qayb-geli lahayd, qaarkoodna ay boqonta dambe heerayaan oo ay hayaan, sharciga ayaana noo dhexeeya.”

Wasiir Saleebaan waxa kale oo uu sheegay “Qof kasta oo Muwaadin ah oo Xirfaddan ku shaqaysta (Saxaafadda) iyo qof kasta oo aan Muwaadin ahayn oo sharcigu siiyey ogolaansho ah inuu ku shaqaysto, waa inuu dhowraa Dastuurka, Madax-banaanida, wada lahaanshaha iyo wada-joogga waddanka, hadduu intaa dhowri waayo Ummaddii Liisanka siisay way kala noqonaysaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay maskaxda ku haynin inay Cid ka mid ah Hay’adaha Warbaahineed ee ku xusan u soo celiyaan Ruqsadda u ogolaanaysa inay gudaha Somaliland ka shaqeeyaan “illaa haddana Cid ay Maskaxdayada ku jirto inaanu soo celino ma jirto.

 

Category