Soomaaliya: Loolan ku wajahan shirkadaha isgaarsiinta dalka

Soomaaliya waa dal muddo dheer la daalaa-dhacayay xasarado kala duwan oo ay ka midyihiin; amni darro, iyo nidaamyo dhaqaale oo nugul. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, Soomaaliya waxay la kulantay kala daadsanaan xagga maamulka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada sida isgaarsiinta. Si kastaba ha ahaatee, 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa jira horumar ballaaran, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay ay la wareegeen bixinta adeegyada isgaarsiinta, gaar ahaan telefoonka gacanta iyo internet-ka. Arrintani waxay u sahlaysay bulshada Soomaaliyeed inay si gaar ah iskood isu abaabulaan, iyagoo adeegsanaya teknolojiyad casri ah si ay uga gudbaan dhibaatooyinka haysta. Hadda, iyadoo la tixraacayo horumarkaasi, Soomaaliya waxay wajahaysaa fursad cusub oo dhinaca dijitaalka ah ah.

Shirkadda Starlink, oo ka mid ah qayb hoos tagta  SpaceX, isla markaana uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk, ayaa si rasmi ah gudaha dalka uga bilaabaysa bixinta adeegga internet-ka. Tani waxay noqon kartaa isbeddel taariikhi ah oo dib u qaabeyn karo habka isgaarsiinta dalka, gaar ahaan deegaannada fog iyo meelaha ay adag tahay in la gaarsiiyo adeegyada caadiga ah sida fibreoptic ama 4G. Maqaalkani wuxuu falanqeynayaa fursadaha, caqabadaha, iyo isbedelka laga filan karo kadib markii Starlink ruqsad loo siiyay inay ka shaqayso Soomaaliya, iyadoo si qoto dheer looga hadlayo saameynta ay ku yeelan karto waxbarashada, dhaqaalaha, amniga, iyo suuqyada isgaarsiinta gudaha.

Starlink: Maxaad ka taqaan, Sideese u shaqeysaa?

Starlink waa adeeg internet oo ku saleysan dayax-gacmeedyo tiro badan oo is-daba joog ah oo wareegaya dhulka, kuwaas oo ku xiran nidaam casri ah oo loo yaqaan “Low-Earth Orbit (LEO).” Shirkaddan waxaa aasaasay Elon Musk iyadoo qayb ka ah qorshihiisa ah in la gaaro isgaarsiin dunida oo dhan ah gaari karto, xitaa meelaha ay adag tahay in internet-ka laga helo. Dayax-gacmeedyada Starlink waxay bixiyaan internet xawaare sare leh, latency hooseeya, isla markaana aan ku xirnayn kaabayaal dhuleed oo la mid ah kuwa ay isticmaalaan shirkadaha fiber-ka ama isgaarsiinta moobilka. Starlink waxaa laga faa’iidayaa meelaha ay adag tahay in la dhiso xarumo isgaarsiin ama fibreoptics ah sida miy’ga fog, tuulooyinka, iyo deegaannada ay colaadaha ama dhibaatooyinka dabiiciga ah saameeyeen. Waxa kale oo ay leedahay qalab lagu rakibo guryaha ama goobaha ganacsiga oo ay dadku si sahlan u rakiban karaan, iyagoo helaya xiriir toos ah oo u dhaxeeya qalabkaas iyo dayax-gacmeedka. Tani waxay meesha ka saareysaa baahida ah in la dhiso tiirarka isgaarsiinta, taasoo u fududaynaysa in adeeg internet si deg deg ah loo helo. Marka laga eego Soomaaliya, oo leh dhul ballaaran oo aan weli la gaarsiinin internet tayo leh, Starlink waxay noqon kartaa xal dhab ah oo wax ka beddela nolosha malaayiin qof oo aan horey fursad u helin. Waxay sidoo kale u suurtagelinaysaa ardeyda, macalimiinta, ganacsatada, beeraleyda, iyo geel-jiraha inay helaan suuqyo cusub iyo fursado waxbarasho oo dhijitaal ah.

Shatiga Starlink ee Soomaaliya: Geedi-socodka iyo himilooyinka

Kadib wadahadallo dheeraad ah oo socday in ka badan labo sano, ugu dambeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siisay shirkadda Starlink shatiga rasmiga ah ee ay kaga howlgali karto gudaha dalka. Tani waxay timid kadib markii hay’adda NCA (National Communications Authority) iyo Wasaaradda Isgaarsiinta ay qiimeeyeen qorshaha shirkadda ee ku aaddan bixinta adeegyo internet. Mustafa Yasiin, Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shatiga si rasmi ah loo ansixiyay, taasoo ka dhigan in Soomaaliya ay noqotay dal kale oo Afrikaan ah oo la saxeexday heshiis rasmi ah oo adeeg internet-ka dayax-gacmeedka lagu gaarsiiyo. Sida laga soo xigtay Starlink, qorshahooda wuxuu yahay in la dardargeliyo gaarsiinta adeegyada internet-ka meelaha fog fog, iyadoo si gaar ah loo eegi doono deegaannada aan lahayn adeegyada fiber ama 4G. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna shaacisay inay u aragto Starlink fursad lagu kor u qaadi karo horumarka dhijitaalka, lana xoojiyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, shatiga waxaa lasoo saaray iyadoo la xeerinayo baahida jirta ee ah in la kobciyo suuq isgaarsiineed oo cadaalad ku dhisan, taasoo macnaheedu yahay in shirkadaha kale ee gudaha ay heli doonaan fursad siman oo ay kaga qaybqaataan horumarka, halkii ay Starlink noqon lahayd shirkad si gaar ah loo ilaaliyo. Sidaa darteed, si guusha Starlink ay u noqoto mid waarta, waxaa muhiim ah in nidaamka shati-siinta iyo la xisaabtanka adeeg bixiyeyaasha si hufan loo maareeyo.

Qiimaha Internet-ka Soomaaliya: Heerka Adduunka iyo Isbeddelka dhacay

Daraasado dhowr ah oo ay sameeyeen ururo caalami ah sida Cable.co.uk iyo DataReportal waxay muujinayaan in Soomaaliya ka mid tahay dalalka adduunka ugu jaban marka laga eego qiimaha internet-ka. Celceliska qiimaha halkii gigabyte (GB) ee xogta mobile internet ayaa ah qiimo u dhiganta $0.50, taasoo dhigaysa in Soomaaliya ka horeeyaan oo kaliya dhowr dal oo ay ka mid yihiin India, Kyrgyzstan, Ukraine, iyo Kazakhstan. Tani waxay u muuqataa in adeegyada internet-ka ay la jaanqaadeen baahida dadka iyo tartanka shirkadaha maxalliga ah sida Hormuud Telecom, Somtel, Golis, iyo Somlink. Marka loo eego gobolka, Soomaaliya ayaa ka qiimo jaban deriskeeda oo ay ka mid yihiin Ethiopia ($0.68), Kenya ($0.84), iyo Djibouti ($1.27), halka Yemen ay tahay mid kamid ah kuwa ugu qaalisan ($5.00 halkii GB). Qiimahaasi hooseeya wuxuu caddeyn u yahay in tartanka suuqa isgaarsiinta gudaha uu hoos u dhigay kharashaadka adeegyada. Si kastaba, waxaa muhiim ah in la xuso in tayada adeegyada iyo helitaanka xawaare sare aanay mar walba la jaanqaadin qiimaha jaban. Meelaha fog fog ee dalka intooda badan wali lagama helin adeegyo internet degdeg ah ama leh latencyhoose. Marka laga eego aragtidaas, soo gelitaanka Starlink waxay noqon kartaa fursad lagu yareynayo farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga marka la eego helitaanka internet tayo leh.

Saameynta Starlink ee Suuqa Isgaarsiinta Soomaaliya

Soo gelitaanka Starlink ee Soomaaliya wuxuu si toos ah u taabanayaa qaabka uu u shaqeeyo suuqa isgaarsiinta dalka. Waxaa jira shirkado waaweyn oo muddo dheer bixiyay adeegyada isgaarsiinta sida Hormuud Telecom,  Somtel, Golis, iyo NationLink kuwaas oo leh kaabayaal ballaaran oo isgaarsiineed. Si kastaba ha ahaatee, shirkadahaasi waxay inta badan diiradda saareen magaalooyinka waaweyn iyo deegaannada nabdoon, halka meelaha miyiga ah ay ka jiraan adeegyo aan joogto ahayn ama gebi ahaanba ka maqan. Starlink waxay keentay adeeg ka madax bannaan kaabayaasha dhulka, taasoo ka dhigaysa mid awood u leh inay si deg deg ah ugu fidiso internet meelahaas. Tani waxay shirkadaha gudaha ku qasbi kartaa inay kordhiyaan tayada adeegyada, hoos u dhigaan qiimaha, oo ay furaan fursado dheeraad ah si ay u tartamaan. Sidoo kale, haddii Starlink ay si xor ah ugu baahdo dalka, waxay saamayn ku yeelan kartaa dakhliga shirkadaha maxalliga ah, taasoo dhalin karta isbedel dhaqaale oo dhinac walba leh. Dowladda Soomaaliya waa inay dardar galisaa nidaamkeeda tartanka suuqyada (market competition policy), si aysan u dhicin in shirkad keliya ay suuqa ku gacan sareyso, ama in lagu tunto xuquuqda macaamiisha ama adeeg bixiyeyaasha kale.

Waxaa qoray: Cabdishakuur Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah dhiirigeliye, bare, iyo saxafi ka hadla isbeddelka cimilada 

Category