Soomaaliya oo yeelatay Manhaj cusub

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho ayaa lagu bandhigay manhaj qaran oo loogu talagalay dugsiyasada hoose ee dalka, waxaana la sheegay in manhajka cusub uu billaaban doono sannad dugsiyeedka soo socda ee bisha September.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugagta fasalka koowaad illaa afaraad ee dugsiga hoose, waxaana ay ahaayeen kuwa si wanaagsan loo diyaariyey.

Buugaagta la soo bandhigay ayaa ka kooban toddobo maaddo, waxaana afar ka mid ah luuqadda Soomaaliga marka laga reebo maadooyinka luuqadaha sida English-ka Carabiga iyo Tarbiyada Islaamka oo ku baxeysa luuqadda Carabiga.

Sidoo kale, waxaa goobta la sheegay in ay meel gabagabo marayaan daabacadda buugaagta lagu dhigi doono dugsiga dhex ee dalka si sannad dugsiyeedka cusub ee soo socda iyaguna loo hirgaliyo, sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in la soo saaro buugaagta dugsiyada sare ee dalka.

Howsha manhajka cusub ee la soo bandhigay ayaa la sheegay in uu qaatay muddo shan sanno, waxaana mudaddaas soo maray wasaaradda waxbarashada wasiiro dhowr ah.

Dalka Soomaaliya ma lahayn manhad waxbarasho oo mideysan wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, waxaana dalka ka jiray waxbarasho gaar loo lee yahay oo ay hirgaliyeen dad aqoonyahanno iyo ganacsade u badan kuwaasoo isku xil qaamay in waxbarashadii la sii wado.

Waxaana inta badan manaahijta dalka waxa lagu dhigi jiray ay ahaayeen kuwa u badan carab.

Manhajkan ayaa la sheegay inay kaalin ka gaystay Midawga Yurub.

Category