Bannaanbax lagu taageerayo Ilhaan Cumar oo ka dhacay Minnesota

Minneapolis (RH)-Bannaabax lagu taageerayo Ilhaan Cumar ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Boqolaal qof oo ka soo kala jeeda qowmiyado kala duwan ayaa ka dhacay bannaanka dhismo uu shir ku lahaa madaxweyne Trump oo shaley booqasho ku tagey Minnesota.

Dadka bannaanbaxayay ayaa ka soo horjeeday qoraal uu maalmo ka hor uu madaxweynaha Maraykanka soo dhigay bartiisa Twitterka kuwaasoo kordhiyay naceyka iyo hanjbadaha loo soo dirayo Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha kongareeska dalka Maraykanka.

Dadka bannaanbaxayay oo ay ku jireen Soomaali ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu muujiyay sida uu naceyb Sida ay Ilhaan naftirkeeda ay sheegtay.

Dhinaca kale, isla bannaanbax lagu taageerayo Trump ayaa ka dhacay Minnesota, waxaana ay dadka lahaayeen madaxweyne afar sanno oo kale ayaan ku dooraneynaa.

Taageerayaasha Trump ayaa ku qeylinayay doorashada 2020 waad heli.

Madaxweyne Trump ayaa u tagey Minnesota isbaddelka canshuuraha waxaana uu shir jaraa’id ku qabtay shirkadda NUS ee gaadidka.

Soomaali badan ayaa Ilhaan ugu baaqay in ay foyojignaato isla markaana ay qunyar socoto.


Radio Hormuud

Studio 3
 

Mogadishu Somalia

Category