Abwaan Baarleex oo arrimo caafimaad loogu qaaday Turkiga

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah caafimaad dibadda u qaadday Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo Muqdisho u yimid in daryeel caafimaad loo fidiyo oo dibadda ah.

Abwaan Baarleex oo ka mid ah abwaanada ugu caansan Soomaaliya, ayaa bishii Maarso ee sannadkan soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo ka yimid Hargeysa, waxaana uu madaxda dowladda ka codsaday in ay u diraan caafimaad dibadda ah maadama uu xanuunsanayo xanuunkiisana waddanka gudahiisa aan waxbo looga qaban karin.

Xildhibaan Cilmi Cumar Ceysane, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdunuur Maxamed Axmed, mareeyaha golaha murtida iyo maddadaalada ee National Theatre Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure iyo qaarka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan ayaa abawaan garoonka ku sii sagootiyey iyagoo u rajeeyey isagoo caafimaad qaba inn uu dalka dib ugu soo laabto.

Abwaan Baarleex oo saxaafadda la hadlay ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Diyaradaha Aadan Cadde ayaa waxa uu mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo u suurtgaliyay inuu caafimaad dibadda ugu ambabaxo dalka Turkiga.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category