Abwaan Sangub oo ku geeriyooday Itoobiya

Addis Ababa (RH)- Allaha u naxariistee Abwaan Maxmuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya

Afhayeenka golaha abwaanada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye ayaa Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u xaqiijiyay geerida abwaanka isagaoo tacsi u diray eheladii iyo dadka Soomaaliyeed uu ka ka geeriyooday.

Waxa uu sheegay Abwaanka inuu ka soo laabtay dalka Sucuudiga oo Cimro u aaday Sabtidiina uu tegay magaalada Addis Ababa laakin uu ka sheeganayay xanuun ka soo gaaray lugta taasoo Axaddii Isbitaal loo dhigay aaqirkiina uu geeriyooday.

Abwaanka ayaa waayihii dambe xanuunsanayay waxaana dhowr jeer oo horre loo qaaday isbitaalo ku yaalla dibadda sida Turkiga.

Abwaan Sangub, ayaa waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo marta, waxa uu sannadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho,

Radio Hormuud

Studio3

Mogadishu Somalia

Category