Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey sharciga saxaafadda

Muqdisho (RH)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya, waxaana u codeysay 139 mudane, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo maanta shir guddoominayay fadhigga baarlamaanka.

Xeerkan ayaa wax ka beddel lagu sameeyay labadii akhris ee ugu dambeeyay, waxaana sida uu baarlamaanka ka hor sheegay xoghayaha guddiga warfaafinta baarlamaanka.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa bogaadiyay baarlamaanka oo meelmariyey xeerka sharciga saxaafadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xeerkan uu awood badan siinayo warbaahinta sida gaarka loo lee yahay isla markaana uu dhiirigalinayo hannaanka dimuquraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

“Xeerkan wuxuu aasaas u yahay qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya, waxa uu aasaas u yahay dib u yagleelidda dimuquraadiyadda”ayuu yiri wasiir ku xigeenka Soomaaliya.

Xeerka baarlamaanka ee maanta baarlamaanka uu meelmariyay waxa uu hadda u gudbi doonaa aqalka sare ee baarlamaanka si ay kaga doodaan.

Waa marki labaad ee ay baarlamaanka muddo saddex sanno gudahood ah ku ansixiyaan sharci quseeya saxaafadda Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category