Baarlamaanka Soomaaliya oo u codeeyay in muddo 2 sanno lagu qabto doorasho qof iyo cad

Muqdisho (RH)-Waxaa goordhow soo dhammaaday fadhi xildhibaannada golaha shacabka ay ku lahaayeen xaruntooda Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka maanta oo indhaha lagu hayay, ayaa lagu lafagurayay arrimaha doorashooyinka, oo ilaa hadda madaxda dowladda iyo maamul goballeedyada aysann heshiis ka gaarin.

Arrikan ayaa yimid iyadoo saakadii horre taliyihii booliska qeybta gobalka Banaadir Saadaq Joon muuqaal uu soo duubay ku sheegay in la baajiyay kulanka baarlamaanka, isagoo ku sabeeyay in booliska aysan dooneynin dalkan in fowdo ka dhacdo, waxaana hadalkaas uu soo dadajiyay in xilka laga qaado.

Fadhigga baarlamaanka maanta waxaa joogay 153 xildhibaan waana 149 ka mid ah u codeeyeen in la jiheeyo doorashda dalka lana qabto doorasho qof iyo cod.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa arrintaas ku dhawaaqay.

In doorasho qof iyo cad dalka ka dhacdo ayuu baarlamaanka jiheeyay in lagu qabto muddo labo sanno, taasoo muujineysa in hey'addaha dowladda muddo kordhin loo sameeyo si doorashadaas loo gaaro.

Si kastaba, mar sii horreysay waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay xubnaha midowga musharixiinta kuwaasoo sheegay madaxweyne Farmaajo uu dalka galinayo xaalad halis ah.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta

Madaxweynayaashii horre, Shariir Sheekh Axmed, Xasan Sheekh, raysal wasaarihii horre Xasan Cali Khayre iyo siyaasiga Cabdirasmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shirka jaraa'id joogay waxaana uu mid kasta sheegay in ciidamada dowladda aan loo isticmaalin dano gaar ah.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda deggan, waxaana hadal heynta ugu badan magaalada ay tahay xil qaadista lagu sameeyay taliyihii guud ee qeybta booliska gobalka Banaadir Saadaq Joon oo ahaa nin caan ka ah Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category