Booliiska Soomaaliya oo sheegay in 6 qof loo xiray dilka shaqaale katirsanaa maamulka hawada

RH: Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay'adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya, kaasoo Muqdisho ka hawl galayay ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa Muqdisho.

Sarkaalkan ayay wararku sheegayaan inuu u geeriyooday jirdil loo geystay, inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo arrintaas xaqiijin kara.

Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida sarkaalkan ayaa sheegtay in Lix Eedeysane loo soo xiray dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse oo 32-jir ahaa, kaasi oo Meydkiisa laga helay hoygiisa.

Booliiska ayaa sheegay inuu sameeyeen baaritaan ayna hayaan caddeymo laga helay goobta uu falku ka dhacay.

Ninkan ayaa dhawaan kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa.

 

Category