Cabdi Maxamuud Cumar oo markale maxkamad la soo taagayo

Addis Ababa (RH)- Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee xarrunta waddanka Itoobiya, ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ah, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ay go’aan ka gaari doonto dambiyada loo heesto madaxweynihii horre ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.


Waa markii toddobaad oo Cabdi Maxamuud Cumar tan iyo intii la soo xiray maxkamad la soo taago, iyadoo loo heesto dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Dhageysiga maxkamadda maanta waa ay ka duwan tahay kuwii horre

Sida ay lee yihiin dad xog-ogaal ah, dhageysiga dawadda loo heesto Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran waa ay ka duwan tahay kuwii horre, waayo waxaa markii ugu horraysay ka qaybgalaya xubno ka socda xeer ilaalinta iyo wasaaradda garsoorka dalka Itoobiya, kuwasoo dhageesan doono dambiyada loo heesto.

Sidoo kale, waxaa maxkamadda la horkeeni doonaa marqaatiyaal soo bandhigga dambiyada loo heesto.

Dad kale ee maxkamadda ka soo muuqan doona waxaa ka mid ah taliyihii horre ee ciidamada booliska DDSI, Raxmo Maxamuud Heybe iyo Cabdirisaaq Saxane.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category