Dad ku dhintay kaawo ku soo duntay magaalada Kismaayo

Kismaayo (RH)-Ugu yaraan saddex qof ayaa maanta oo Axad ah dhintay labo kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu ku soo dumay god ay ka qodayeen cara-kaawada loo isticmaalo dhismayaasha duleedka magaalada Kismaayo.

Dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa ka tirsanaa shaqaalaha ka shaqeeya kaawada dhagax-jabinta ee ku taalla galbeedka magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ahaa shaqihii ka badbaaday shilkan oo saxaafadda ayaa sheegay sida ay wax u dhaceen, waxaa ay sheegeen in kaawada ay soo duntay markii dhagax hoose uu soo dumay.

Labada qof ee ku dhaawacmay shilka ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana lagu soo warramayaa in mid ka mid ah xaaladiisa ay halis tahay

Inta badan dadka ka shaqeeya kawooyinka ayaa halis ku jira marka la eego goobaha ay ka shaqeenayeen, waayo waxa ay ka dhagaxa guryaha lagu dhiso ay ka soo qodaan goobo khatar ah.

Halista kale ee in la sheego mudan oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dhagaxa jabiya ayaa ah marka ay kaawada dhagaxa ka jabinayaan in ay u adeegsadeen Miino hadba buurta ay markaasi qodayaan balse mararka qaar khasaaro kala duwan ayaa ka soo gaarta miinadaas.

Dhowr jeer oo horre ayaa shilal noocan oo kale ay ka uga dhaceen dhagax-jabinta kaawada ee  magaalada Kismaayo,

Sannadkii 2014-kii ayey ahayd markii sidan oo kale kaawo soo duntay ay ku geeriyoodeen illaa shan ruux oo ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeenayey kaawada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category