DEG-DEG . SHIL DHACAY IYO RAG LA XIDH-XIDHAY

RH: Booliska BarigaYuland  waxay raadinayaan saddex nin oo ka baxsaday shil baabuur.

Boolisku waxay ay sidan ku qoreen barta X.

Saacaddu markay ahayd Kl:17:00  , Booliska bariga Yuland waxaa soo gaadhey wicitaan sheegaya in  gaadhi Audi Q7 uu si xawli ah ugu socdo  dhanka koonfureed ee jidka dheereeya  E45  kana yimaada   Randers.

Waxaa jidkii ku baxay gaadhi roondo ah  oo isna soo qaaday jidka dhanka koonfureed.

Saacaddu markay ahayd 17.02, boolisku waxay heleen wicitaan kale oo sheegaya in  isla gaadhigii ku dhacay  meel ka baxsan wadada looga  baxo  Ødum.

Saddex nin ayaa gaadhigii dhacay  ka cararay oo ubaxsaday dhinaca Ødum.

Audi-ga ayaa ku dhacay gaadhi kale.

Ma jirto dhaawac daran oo goobta ka dhacay .

Laba qof ayaa si dhakhso ah loo xidhay.

Ka dib baadhitaan ay sameeyeen eyda booliisku adeegsado , ninkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale caawa laga  helay goobtii agagaarkeedii.

Category