RH Kolding: Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday in miisaaniyadda sanadka 2025 lagu daray barnaamij cusub oo lagu siinayo cunno caafimaad leh ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe.
Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu bilaabmo bisha Agoosto 2025, waxaana loogu talagalay in lagu horumariyo caafimaadka ardayda iyo in la yareeyo sinnaan la'aanta bulshada.
Wasiirka Waxbarashada, Pernille Rosenkrantz-Theil, ayaa sheegtay in cunnooyinka caafimaadka leh ay muhiim u yihiin waxbarashada ardayda. Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu abuuro shaqooyin cusub oo ku saabsan diyaarinta iyo qaybinta cuntada.