Denmark. Heshiis miisaaniyadeedka 2020ka oo alabaabada ufuraya shaqaalaha ajanabiga ah .

RH. Kolding: Xukuumada Denmark iyo xisbiyada taageera ayaa ku heshiiyey in albaabada loo furo shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee ka imanaya dibada dalka.

Xisbiyadu waxa ay aad uxiisaneyaan xirfadlayaasha soo dhameystay darajada koowaad ee jaamacada (Bachelor ) ee ka imanaya dalalka ka baxsan midowga yurub.

Qorshahani waxa uu gaar ahaan diirada saarayaa ardeyda waxbarashada u soo doonata Denmark ee marka ay waxbarashada dhameystaan aan codsan taakulo dhaqaale balse diyaar u ah in ay shaqeystaan waxanu sharciga cusubi u ogolaanayaa in ay Denmark joogi karaan 2 sanno iyaga oo aan lacag taakulo kadalbankarin dawlada.

Markii hore sharcigu waxa uu ogolaa kaliya dadka diyaarinaya shahaadada ph.d .

Heshiisku waxa kale oo uu suurto gallinayaa in uu ardeygu 2 sanno kadib, uu  halsanno sii joogi karo hadii uu bilaabo wax barasho kale oo shaqo u sahleysa.

Arinka ah in shaqaalaha ajanabiga ah Denmark lagu soo dhaweeyo  ayaa  waxaa ka dambeeya xisbiga Radikal ka  isaga oo xisbigu ku ololeeyay  xilligii tartanka doorashada .

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category