Denmark. Iskuul Muslimiintu gaar u leeyihiin oo qarka u saaran in uu xidhmo kadib kolkii taageeradii dhaqaale laga gooyey.

Iskuulkan oo lagu magacaabo IQRA isla markaasina ah kan  ugu weyn ee ay muslimiinta Denmark leeyihiin ayaa qarka u saaran in iridaha la isugu dhufto

 

Arintan ayaa waxey timid kadib kolkii ay gudiga waxbarashada iyo tayada (STUK) ay go’aamiyeen in laga jaro lacagta ay dawladu ku kabto.

 

Gudigu waxa uu sabab uga dhigeen go’aankooda in iskuulku uu inbadan xallin la’aa dhibaatooyinkiisa dhaqaale, laakiin arinkaas lagu sababeeyay go’aanka  waxa ganafka  ku dhuftay  gudoomiyaha gudiga waalidiinta ee iskuulkan oo lagu magacaabo Jacob Jabr.

 

’’Waxay noo xukumeen si aad u adag, waxaanay nagu qasbayaan in aanu iskuulka xidhno ayuu yidhi isaga oo walaac iyo cadho ka muuqato’’

 

Maxaa keenay dhibaatada dhaqaale ee gudigu sheegay.

 

Gudiga waxbarashada iyo tayada ee DK (STUK)  ay bishii febraayo ku xukumay iskuulka in uu soo celiyo 16 milyan oo hore loo siiyay maadaama oo uu jabiyey xeerarkii lacagta lagu siiyey

Taas oo waliba lagu xukumey in ay 4 sanno gudahood ku soo celiyaan .

’’STUK waxay qiil u raadinaysaa sidii ay iskuulka nooga xidhilaheyd Suuto galna maaha in aanu lacagta intaas leeg 4 sanno ku soo celino ayuu ayuu yidhi’’ gudoomiyaha gudida waalidiinta mr. Jacob Jabrs.

 

Xadiga lacagta la siin jirey iskuulka sannad walba

Dugsigan gaarka loo leeyahay ee Iqra waxaa ay dawlada Denmark sannadkii 2016 siisay  lacag dhan  21,7 milyan  karoon.

Sannadkii 2017 waxaa la siiyey ku dhawaad 24,3 milyan karoon oo ka bid ah.

Lacagtii kabid aheyd ee la sii yey iskuulka  mudadii u dhaxeysay  Janaayo- Novembar sannadkan 2018ka  waxaa lagu qiyaasey  23,3 milyan oo karoon.  

Hadaba Waxaa laga jarey intaa hore 4,5 milyan kroon si looga loogu bixiyo lacagtii hore loogu xukumey in ay soo celiyaan sidaas darteed waxa uu iskuulku hellay 18,8 milyan oo karoon.  Xogtan waxaa dadweynaha la wadaagtey sannadkan 2018 wasaarada waxbarashada ee Denmark.

Kadib go’aankaas guddigu dhawaan gaadhey Wasaarada waxa barashadu  way joojisey caawimadii dhaqaale ee ay siin jirtey Iskuulka laga bilaabo bishan Dec. 2018.

 

Gudoomiyaha gudiga waallindiinta Iskuulka ayaa sheegay in aaney suurtogal aheyn in ay sii wadaan Iskuulka hadii aanu hellin ugu yaran 20 milyan oo kabid ah, waxaanu intaas raaciyey in  taageerada la goostey  ka dhigan tahay inay wasaaradu rabto in ay iskuulka xidho

’’Way adagtahey in aanu sii wadno iskuul aan taageero dhaqaale haysan - waa wax aan suurtogal aheyn. Caruutan tiradoou dhantahay  400   ee dhigta iskuuku waa qeyb kamid ah bulshada Denmark , Laakiin intaad noo timaadaan baad odhaneysaan ’’idinsiinmayno taageero dhaqaale’’, markaas ma sii wadi karno iskuulka. Si wanaagsen ayay wasaaradu u ogtahay arintaas, ayuu yidhi gudoomiyaha gudida iskuulka Iqra mar uu ka waramayey  dareenkiisa ku aadan go’aanka wasaarada waxbarashada.

’’Maxay iskuuka ugu qasbayaan in uu xidhmo? Hadii aan laba iyo laba isu geeyo : Lamarabo in uu furnaano Iskuul muslimiinta u gaara’’ Laakiin waxaanu nahey qeyb ka mid ah bulshada, mana wanaagsana in sidaas naloola dhaqmo ayuu ku yidhi wargeyska BT oo uu lahadlayey.

 

 

 

Ma odhan karo waxaa loo bartilmaameedsadey diintooda, talaabadan aanu qaadneyna waxba iskama khuseeyaan ayuu yidhi Peter Bendix Petersen oo isagu ah gudoomiyaha guddiga iskuulada gaarka loo leeyahay ee Denmark oo ka jawaabeyey eedeynta Jacob

 

Ugu dambeyn 14.Dec.2018 waa in uu Iskuulkan  IQRA go’aan cad soo siiyaa wasaarada waxbarashada iyo tayada , kaas oo uu ku sheegayo in uu diyaar u yahay in uu waxbarashadii sii wadayo isaga oo aan haysan taakuladii dhaqaale ee dawladu siin jirtay iyo inkale.

.

 

Qodobada lagu soo eedeeyay ama keenay in la dabagalo iskuulkan.

 

 

  1. Bishii Febraayo Amina Djondjorova  oo ah lataliye AKT  waxey Radio24Syv u sheegtey   in iskuulka oo raacaya quraanka ay kawaaninayaan ardeydu in ay saaxiibad/saaxiib yeeshaan.

 

  1. Intaas ka dib ayay wasaaradu booqtey Iskuulka waxaaney la kulmeen in ardeyda wiilal iyo gabdho loo qeybiyo.

 

  1. Intaa waxa dheer in aaney gudiga wasaaradu maamulka Iskuulka kala kulmin in ay iska bariyeelaan hadalkii kasoo yeedhey  iyo qaabdhaqanka qofkaas  iskuulka ka shaqeeya.

 

  1. Waxa kale oo ka mid ah in bishii Sebtembar 2017 kii  ay ku soo baxdey wargeyska BT in maamule ku xigeenkii iskuulka ee xilligiisaa Khalil Jaffar uu wakhti kooban gurigiisa adress ka siiyay nin dhallinyaro ah oo lagu tuhmey in uu xidhiidh la leeyahay ururka IS .
  1. Isla sannadkii hore waxa iskuulka looga  eryay maamulle ku xigeenkii xilligaas arimo la xidhiidha  falal dhanka galmada la xidhiidha oo uu sameeyay iyo in uu bogiisa internetka ku qorey in aaney banaaneyn in la yeesho saaxiib aan muslin aheyn.

 

 

Waxaa qorey wargeyska BT

Waxaa tajumey oo iskuna dubaridey

Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

Category