Denmark: Tirada magangalyo doonka oo gaadhey halkii ugu hooseysay 20 sanno.

RH: Sanadkii la soo dhaafay, 1,547 magangalyo doon ah ayaa laga diiwaan geliyay Danmark.

Tiradani waa tii ugu yarayd tan iyo 1998, markaasoo tirooyinka la bilaabay in lagu xisaabiyo habka hadda jira.

Wasaaradda Socdaalka iyo Is-dhexgalka ayaa sheegtey in hoos udhacan uu saameyn kuleeyahay   'coronavirus' oo saameeyay dunida oo dhan  ayuu yiri wasiirka arrimaha debedda iyo isdhexgalka Mattias Tesfaye (S). "Laakiin sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan u mahadcelin karno siyaasadeena adag ee arimaha dibada," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay isla wasaaradiisa.

Tiradan magangalyo doonka ah ee sanadkii hore waxay ka yartahay 10 laab  tiradii sanadkii 2015, markaas oo la diiwaan galiyay 21,316 oo magangalyo doon ah.

Waxay ahayd sanad aan caadi aheyn oo Yurubiyaanku ay  arkeen kororka qulqulka muhaajiriinta oo ay burbureen xuduudihii dibada ee Midowga Yurub ee Talyaaniga iyo Griiga.

Marka la barbardhigo 2019, waxaa la diiwaan geliyay 2,716 magangalyo doon, tirakoobka sanadka 2020 ayaa qiyaastii boqolkiiba 43 ka hooseeya kii sannadkii ka horeeyay.

Category
Comment