RH.Kolding: Waxaa saxaafada u warantay Ann Becker oo 67 jir ah isla markaasina ay dhashey islaan ta nool ee lagu sheegay in ay dhimatay
"Habeenimadii Axadii saacadu markey aheyd 05.21 subaxnimo ayuu igu soo dhacey telefoon siday fariin naxdinleh oo wadnaha i xanuujisay taas oo uu qof shaqaale ahi iigu sheegay in hooyadey oo 98 jir aheyd ku geeryootey xaruntii lagu hayey" ayey tidhi Ann Becker
Naxdin iyo argagax kadib waxa ay 08:00 subaxnimo telefoon u dirtey xafiiska qorsheeya aaska qofka ee loo yaqaan bedemand.
Xafiisku waxa uu u sheegay in aaney haba yaraatee hawsha aaska guda galikarin tan iyo inta sida nidaamku yahay goobta uu tagayo dhakhtar si uu u xaqiijo geerida.
08:30 ayay telefoon ku celisey xaruntii hooyadeed lagu hayey iyada oo waysiisey in uu dhakhtarkii yimi si uu u xaqiijiyo geerida,
Marka waxaa telefoonka qabatey haweenay kale oo shaqada markaas soo gashay waxay ku celisey miyaad hubtaa in hooyadaa hebla ay dhimatey , waxay ku tidhi haa oo waydinkii saaka ila soo hadley.
"Aniga sida aan warbixinta kuhayo la iima sheegin geerida hooyadaa , bal isug aan qolkeeda soo eegee ayay tidhi haweenaydii shaqaalaha aheyd iyada oo yaaban."
in yar kadib ayay ku soo noqotey waxaaney tidhi "hooyadaa way nooshahay oo ma dhiman , waxaase jirta islaan kale oo dhimatey mindhaa taasaa lagu qaldey."
08:50 ayaa telefoon loo direy islaantii saxda aheyd ee geeryootey inanteedii oo iyada lafteedu waayeel ah, taas oo aad uga cadhootey sida loogala soo daahey warka naxdinta leh ee ku saabsan geerida hooyadeed.
labada dumara ee fariinta helay midkoodna may jeclaysan sida wax udhaceen laakiin way diideen in ay magaca qofka qaladka sameeyay saxaafada u sheegaan iyaga oo u cudurdaarey shaqaalaha hawshan haya oo ay ku tilmaameen kuwo haya hawl culus.
Arintan ayaa kadhacdey maallintii Axadii xarunta waayeelka lagu hayo ee Vonsildhave oo ku taal magaalada Kolding ee wadanka Denmark.
Waxaa qorey wargeyska JV.dk
waxaa soo akhriyey oo tarjumay
Mohamed-amin Siyad Abdi