Dhageysiga khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta oo Talaado ka dhacday dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland kuwaasoo ahaa afar xubnood oo u ku jiray madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday Axmed Madoobe.

Khamiista ayaa lagu wadaa in ay doorashadu dhacdo, laakin weli waxaa ka taagan khilaaf ba'an waxaana xubnaha mucaaraadka ee musharrixiinta ay iyagana sheegeen in ay Khamiista dooran doonaan madaxweyne.

Afarta musharrax waxaa midkeed ay ahayd dumar, waxaana doodda musharrixiinta madaxweynaha dhageesanayay xildhibaannada cusub ee Jubbaland.

Dhammaan musharrixiinta waxa ay soo bandhigeen waxa ay qaban doonaan haddii loo doorto madaxweyne.

Musharrixiinta mucaaradka ayaa sheegay in berri ay khudbado jeedi doonaan musharrixiinta iyagoo ka hor jeedin doona xildhibaanno ay doorteen.

Weli waxaa go'aan laga gaarin doorashada Jubbaland oo Khamiista dhaceysa.

Horrey dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin doorasho ka dhacda Kismaayo illaa inta la dhammeenayo khilaafka ka taagan doorashada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category